Hordhac
Alxamdulillaah, Allah SWT ayaa nagu mannaystay nimcada ugu weyn ee adduunka laga helo, taas oo ah nimcada Islaamka. Waa hadiyad ka qaalisan wax kasta oo dunidan yaal, kuna timid raxmaddiisa, naxariistiisa, deeqsinimadiisa iyo fadligiisa aan la soo koobi karin. Qof kasta oo Muslim ah waxaa la gudboon inuu ku mahadnaqo nicmadan weyn, kuna qanco kuna il-qabowsado.
Sida sunnada Alle ka mid ah, dadka ayaa ku kala duwan fahamka iyo aragtida ay ka qaataan waxyaabaha ay maqlaan, akhriyaan ama arkaan. Haddii toban qof loo sheego hal sheeko, kadibna laga codsado inay dib uga sheekeeyaan iyagoo adeegsanaya ereyo cusub, waxaa muuqanaysa in qof walba si gaar ah u fahmay sheekadaas. Kala duwanaanshahaas waa arrin dabiici ah, waana in la ixtiraamaa.
