Is fahamka iyo Is Asturka Qoyska Waqtiga Adag

Marka aynu ka hadlayno qoyska, qoysku waa saldhigga ay bulshadu ka bilaabato, waana wadnaha ummadda. Sidoo kale, waa hantida ugu muhiimsan ee ay wada leedahay bulsho meel ku wada nool.

Haddii qoysku ku dhisan yahay xiriir caafimaad qaba, ixtiraam, wada-shaqayn, isu-dhimrin, dareen-wadaag, nabad, ismaqal, iska-warqab iyo is-aaminaad, qoyskaasi wuu guulaystay. Qoys guulaystayna wuxuu dhisaa bulsho guulaysata.

Caqligu inta badan wuxuu yimaadaa goor dambe, laakiin marka fahamku hoggaamiyo dareenka, qalbigu wuxuu bartaa dulqaad iyo naxariis, afkuna wuxuu doortaa hadallo macaan oo nabad dhaliya.

Qoysasku kuma dumaan kala duwanaanshaha fikirka, balse waxay dumaan marka labada dhinac ay joojiyaan dadaalka ay isku fahmi lahaayeen.

Jacaylku wuxuu bilaabmaa marka laba qof ay is bartaan, laakiin wuxuu sii jiraa marka ay maalin kasta doortaan inay is fahmaan oo ay isu tanaasulaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *